Xuuthiyiinta oo farriin adag u diray Maraykanka iyo Ingiriiska

Image
Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inay ka jawaabi doonaan duqeymaha Maraykanka.

San’aa (GO) - Maxamad Cali Al-Xuuti oo ka tirsan golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta,, ayaa farriin adag u diray Maraykanka iyo Ingiriiska.

Maxamad Cali Al-Xuuti ayaa yiri: “Waxaad tihiin [Maraykanka & Ingiriiska] ilaaliyaha aaladda burburinta ee Israa’iil, dhammaan qaybaha adduunka ayaa ka marag kacaya waxaad ka geysateen Qasa ama Yemen.”

Waxa uu intaasi ku daray, “Weerarkiinnu waxa ay sii kordhinaysaa awoodda iyo dadka Yemen ku doonayaan inay idinkaga hor yimaadaan, maadaama aad tihiin kuwii ku soo duulay dalkeena, waa inay Maraykanka iyo Ingiriisku fahmaan in aan ku jirno wakhtigii aan jawaab celin bixin lahayn”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dadkeena waxay maanta u dagaalamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa iyo go’doominta lagu hayo shacabka Qasa, Mareykanka wuxuu la dagaalamayaa oo duqeymo ku haya shacabka Yemen si ay u difaacaan dambiilayaasha argagixisada ah ee Israa’iil”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM