Xuutiyiinta oo khalkhal geliyay amniga Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab

Image
Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa ka jawaabay weerarro dhowr ah oo ay geysatay kooxda hubeysan.

LONDON, UK - Markabka xamuulka Giriigga ee Sea Champion ayaa si nabadgelyo ah ku soo gaaray dekedda koonfureed ee Yemen ee Cadan Talaadadii.

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii lagu weeraray Badda Cas, weerarkaas oo u muuqday mid gantaal oo si qalad ah ay u rideen Xuuthiyiinta, sida ay sheegeen ilo maraakiibta iyo milatari.

Khatarta ay wajahayaan maraakiibta ayaa sii kordhaysa sababo la xiriira weerarro joogto ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay Xuuthiyiinta Iran taageerto ka geysteen Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab tan iyo bishii November.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa ka jawaabay weerarro dhowr ah oo ay ku qaadeen goobaha Xuuthiyiinta balse ilaa iyo hadda kuma guuleysan inay joojiyaan weeraradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM