Xuutiyiinta oo Markab ku weeraray marinka Babul-Mandab

Image
Mareykanka ayaa sheegay in markabka laga soo weeraray deegaan ay maamulaan Xuutiyiinta.

SANA’A (GO) - Markab nooca xamuulka qaada ah oo u badan Shidaal iyo Kiimikada oo marayay Marinka Bab al-Mandab ee xeebaha dalka Yemen, ayaa lagu weeraray gantaal lagu sheegay nooca lidka maraakiibta (ASCM).

War kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in markabka laga soo weeraray deegaan ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen.

Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii markabka, waxaana lagu guuleystay in la damiyo dabkii markabka qabsaday, sida uu sheegay agaasimaha guud ee markabka “Geir Belsnes”.

Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday maraakiibta ku sugan badda cas, waxayna sidoo kale weeraro gantaallo ah ku qaadeen Israa’iil, iyagoo ku hanjabay inay beegsan doonaan markab kasta oo ay u arkaan inuu u socdo ama ka soo socdo Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM