Xuutiyiinta oo Markab ku weeraray marinka Babul-Mandab

Image
Mareykanka ayaa sheegay in markabka laga soo weeraray deegaan ay maamulaan Xuutiyiinta.

SANA’A (GO) - Markab nooca xamuulka qaada ah oo u badan Shidaal iyo Kiimikada oo marayay Marinka Bab al-Mandab ee xeebaha dalka Yemen, ayaa lagu weeraray gantaal lagu sheegay nooca lidka maraakiibta (ASCM).

War kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in markabka laga soo weeraray deegaan ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen.

Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii markabka, waxaana lagu guuleystay in la damiyo dabkii markabka qabsaday, sida uu sheegay agaasimaha guud ee markabka “Geir Belsnes”.

Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday maraakiibta ku sugan badda cas, waxayna sidoo kale weeraro gantaallo ah ku qaadeen Israa’iil, iyagoo ku hanjabay inay beegsan doonaan markab kasta oo ay u arkaan inuu u socdo ama ka soo socdo Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM