Xuutiyiinta oo sheegay inay beegsadeen markab laga leeyahay dalka Maraykanka

Image
Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarada kooxda ay sii kordhi doonaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Sancaa (GO) - Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay maanta in ay beegsadeen waxa ay ku sheegeen Markab laga leeyahay Maraykanka laguna magacaabo Pinocchio, kas oo marayey badda cas.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yahya Sariic ayaa sheegay in weerarada kooxda ay sii kordhi doonaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan si ay u difaacaan Shacabka ku sugan marinka Qasa.

Docda kale, Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Xuutiyiinta ay soo rideen labo gantaal oo ah nooca lidka maraakiibta, kuwaas oo laga soo riday deegaanada ay ka maamulaan Yemen.

Waxay intaasi ku daray in markabkaasi laga leeyhay dalka Singabuur, wuxuuna siday calanka dalka Liberia, waxaayna ku nuux-nuuxsaday inaysan jirin wax khasaare ah oo naf iyo maalba toona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM