Xuutiyiinta oo sheegtey iney weerareen Warshado Shidaal

Image
Image
Image
Image
Image

SANCA: Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ayaa Sabtidii sheegay inay 14 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ku garaaceen dhowr magaalo oo Sacuudi Carabiya ah, oo ay ku jiraan xarumaha Saudi Aramco ee magaalada Jeddah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen, ayaa Jimcihii sheegay inay burburiyeen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku wajahan Koonfurta Sacuudiga, halka mid afraadna lagu soo ridey gudaha Yemen. Waxay-na sheegeen in kooxda "ku guuldareysteen inay ridaan laba gantaal oo ballistic ah" waxayna kuwaas ku dhaceen gudaha Yemen.

Saudi Aramco, shirkadda shidaalka dawladda, ayaa sheegtay markii ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee Reuters in ay ka jawaabi doonto fursadda ugu horreysa.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yahya Sarea ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in kooxdu ay weerar ku qaadeen wershadaha sifaynta  shidaalka ee Aramco ee Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameedyo militari oo ku yaala Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran.

Xulafada uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa sheegay galinkii dambe ee Sabtidii in ay weerareen 13 bartilmaameed, intii uu socday howlgal militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen.

Hawlgalka ayaa lagu garaacay bakhaarrada hubka, nidaamyada difaaca hawada iyo habka isgaarsiinta ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Sanca, Sacda, iyo Marib, isbahaysiga sidaas waxaa sheegay huwanta Sucuudigu hogaamiyo.

Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah weeraro xudduudda uga gudba Sucuudiga iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo.

Dadaaladii ay garwadeenka ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo lagu doonayay in lagu sameeyo xabbad joojin laga sameeyo Yemen ayaa istaagay.

Khilaafkan oo loo arkay dagaal  u dhexeeya Sucuudiga iyo Iran, ayaa muddo sannado ah ku jiray ismari-waaga milateri.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad diiday codsiga Netanyahu ee hakinta dhagaysiga dacwad musuqmaasuq

Dacwadda koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa lagu eedeeyay in ay ka heleen taajiriin hanti badan oo lagu qiyaasay $260,000.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 12:32PM

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM