Xuutiyiinta Yemen oo beegsaday maraakiib ay leeyihiin Reer Galbeedka

Image
uutiyiinta ayaa tan iyo bishii November waxa ay diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku garaacayeen marinka maraakiibta.

DOOXA, Qadar - Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay fuliyeen afar hawlgal oo millatari oo ay ku bartilmaameedsadeen afar markab oo jooga badda Cas, Carabta, Mediterranean-ka iyo badweynta Hindiya.

Hawlgalkii ugu horreeyay, "Markabka Israel ee MSC Unific waxaa lagu beegsaday badda Carabta," sidda uu sheegay Yahya Sarea, oo ah afhayeenka kooxda Yemen.

"Markab shidaal oo Mareykan ah oo lagu magacaabo Delonix" ayaa sidoo kale lagu beegsaday howlgal labaad oo laga fuliyay Badda Cas "markii labaad toddobaadkan," ayuu raaciyay.

Hawlgalka saddexaad ayaa lagu bartilmaameedsaday "Markabkii UK ka soo baxay ee Anvil Point oo marayay Badweynta Hindiya" halka hawlgalkii afraad ee badda Mediterranean-ka ayaa lagu beegsaday markab ay Sarea ku sheegtay "Naaquudaha Nasiibka leh."

Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii November waxa ay diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku garaacayeen marinka maraakiibta, iyaga oo sheegay in ay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta go'doomiyey ee Gaza.

Milateriga wadamadda Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo cirka ah ka billaabay guud ahaan deegaannada ay Xuutiyiinta ka taliso ee dalka Yemen, si loo wiiqo awoodda milateri ee kooxda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM