Yahuuda oo dishay 450 arday Falastiini dhiganeysay dugsiyadda sare

Image
Dhamaan ardaydan ayaa waxa ay ka baaqdeen imtixaanaadkii shalay ka bilowday dhulka la haysto ee Falastiin.

DOOXA, Qadar - Weerarada ay Israa’iil ku hayso dhulka la haysto ee Gaza iyo Daanta Galbeed tan iyo 7-dii Oktoobar ayaa lagu dilay wadar ahaan 450 arday oo dhiganeysay dugsi sare, sidda ay baahisay wasaaradda waxbarashada Falastiiniyiinta.

Afhayeenka wasaaradda tacliinta Sadiq al-Khadour ayaa u sheegay Anadolu in imtixaanadii dugsiga sare ee Falastiiniyiinta oo Sabtidii ka bilaabmay daanta galbeed ee la haysto ee daanta galbeed aan lagu qaban Gaza.

Waxa uu carabka ku dhuftay in 450 arday “oo isku diyaarinayey in ay iska diiwaan geliyaan dugsiga sare ay dileen ciidamada Israel, oo ay ku jiraan 430 arday oo ku sugnaa Gaza iyo 20 arday oo lagu dilay Daanta Galbeed”.

"Halka 50,000 oo arday oo ku nool Daanta Galbeed ay galeen imtixaanada dugsiga sare, 39,000 oo Gaza ku nool ayaa awoodi waayey inay sidaas sameeyaan, sababtoo ah duulaanka Israel ee socda," ayuu yidhi al-Khadour.

Booqashadii uu ku tagay koonfurta gobolka Xebroon oo uu ugu kuurgalayay imtixaanaadka dugsiyada sare ee halkaasi ka socda ayuu ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Mustafa waxa uu ku dheeraaday muhiimadda imtixaanaadka sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM