Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Image
Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

DOOXA, Qadar - Nin Falastiini ah ayaa lagu dilay siddeed kalena waa lagu dhaawacay duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Warbaahinta Israel, oo ay ku jirto mareegaha wararka ee Ynet, ayaa soo xigtay bayaan ay soo saareen militariga Israa’iil oo lagu xaqiijiyay weerarka lagu dilay “koox hubeysan” oo Falastiini ah oo sheegtay inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah Israel.

Wasaaradda falastiiniyiinta ayaa sheegtay in 8-da qof ee dhaawaca ah ay xaaladoodu wanaagsan tahay, laguna daweynayo isbitaallada. Illaa haatan lama soo bandhigin magacyadooda.

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan lagu hoobtay oo ka dhan ah Gaza bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Ku dhawaad ​​505 falastiiniyiin ah ayaa tan iyo markaas la dilay in ka badan 4,900 oo kalena waa lagu dhaawacay ciidamada Israa’iil iyo kuwa Sahyuuniyadda ah ee deggan dhulka la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM