Yahuuda oo duqeyn la beegsatay xero barakac ku laysay rayid

Image
Ugu yaraan labo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarka.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan labo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil la beegsadeen xerada qaxootiga ee Balata ee bariga Nablus ee daanta galbeed ee woqooyiga la haysto.

"Labo falastiiniyiin ah ayaa la dilay 28 kalena waa la dhaawacay, oo ay ku jiraan saddex dhaawacoodu culus yahay, sababo la xiriira duullaanka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga ee Balata ee waqooyiga daanta galbeed," ayay hay’adda bisha cas ee Falastiin ku sheegtay bayaan.

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa lala beegsaday koox muwaadiniin ah oo ku sugnaa xaafadda al-Jamasin ee xerada qaxootiga ee Balata, ee bariga magaalada Nablus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM