Yahuuda oo duqeysay iskuul ay Qaramada Midoobay maamusho

Image
Ugu yaraan 18 qof ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen dhacdadan oo si weyn loo cambaareeyay.

DOOXA, Qadar - Milateriga Israa'iil ayaa duqeeyay dugsiga al-Jaouni ee ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla bartamaha Gaza markii shanaad tan iyo bishii Oktoobar, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in "dumarka iyo carruurtu ay burbureen" weerarka. Lix ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa shaqaalaha UNRWA, oo uu ku jiro maareeyaha hoyga. 

Hay’adda UNRWA ayaa waxay sheegtay in ay tahay tiradii ugu badneyd ee dhimashadeeda hal dhacdo ee shaqaalaheeda ka dhacda muddo 11 bilood gudaheeda ah.

Dhanka kale, Madaxii hore ee golaha amniga qaranka Israa’iil ayaa ku taliyay in la xannibo dhammaan gargaarka waqooyiga Gaza si looga adkaado Xamaas.

"Marka aad si buuxda uga hortagto gelitaanka sahayda, waxaad ka dhigaysaa kumannaan ka mid ah hawl-wadeennada Hamas inay is dhiibaan ama ay gaajo u dhintaan," ayuu yidhi Major-General Giora Eiland, sida uu sheegay raadiyaha guud ee Israa'iil.

Dabayaaqadii May, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa xukuntay in Israa'iil ay qaado tallaabo si loo hubiyo in sahayda cuntada aasaasiga ah ay gaarto Gaza, halkaas oo ay uga digtay macluusha iyo gaajada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM