Yahuuda oo in ka badan 500 qof ku dishay gudaha Lubnaan

Image
Wasiirrada arrimaha dibadda Masar, Ciraaq iyo Urdun ayaa cambaareeyay "gardarrada" Israa'iil ee ka dhanka ah Lubnaan.

MUQSISHO, Soomaaliya - Tobanaan kun oo qof ayaa ka qaxay koonfurta Lubnaan iyagoon fikrad yar ka haysan halka ay ka heli karaan badbaan maadaama duqeymo xooggan oo Israel ka geysatay guud ahaan Lubnaan ay ku dishay ugu yaraan 569 qof, oo ay ku jiraan 50 carruur ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

Wasiirrada arrimaha dibadda Masar, Ciraaq iyo Urdun ayaa cambaareeyay "gardarrada" Israa'iil ee ka dhanka ah Lubnaan, iyagoo ka digay "in ay gobolka ku riixayso dagaal dhan walba ah".

Duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Deir el-Balah ayaa lagu dilay haweeney uur leh iyo afar carruur ah oo ay dhashay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ee isbitaalka Al-Aqsa.

Duqeymaha dhanka cirka ah ee dhacay maanta ayaa ku dhacday guri ku yaala xerada qaxootiga ee Bureij, isbitaalka ayaa sheegay.

Diiwaanka laga helay isbitaalka ayaa muujinayay in haweeneyda 35-jirka ah ay lahayd uur lix bilood ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press. Afarteeda carruur ah waxay da'doodu u dhaxaysay siddeed iyo 18 jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM