Yahuuda oo laga dalbadey in ay bixiso magta burburinta Gaza

Image
Mas'uuliyiinta Falastiin ayaa arrinkan waxa ay kala hadleen dowladda Japan.

DOOXA, Qadar - Mas'uuliyiinta Falastiin ayaa dalbaday in Israa’iil ay qaado culayska dhaqaale ee dib u dhiska Qaza iyo in ay muujiso ka go’naansho weyn oo lagu ilaalinayo xalka labada dal.

“Israa’iil waa in lagula xisaabtamaa burburka iyo khasaaraha ay u geysatay Marinka Gaza, ayna la wareegto mas’uuliyadda dib u dhiskeeda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mohammad Shtayyeh.

Shtayyeh ayaa hadalkan waxa uu ka dhaqaajiyay xilli uu ka hadlayay kulan uu magaalada Ramallah kula qaatay wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Japan, Tsuji Kiyoto.

Xukuumadda Shtayyeh ayaa noqon doonta maamul ku meel gaar ah ilaa laga soo dhisayo dowlad cusub kadib markii uu is casilay Isniintii todobaadkan sababo ku aadan duqeymaha Yahuuda.

Shtayyeh ayaa sidoo kale dhaleeceeyay ficilada Israa’iil, isagoo sheegay in “ay ku kacday xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah dadka reer Falastiin una dhaqantay sidii inuusan qaban wax sharci ah".

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in "mudnaanta ay tahay in la joojiyo gardarada ka dhanka ah dadkeena ku sugan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Qudus, iyo in la furo marino badan oo marinka Gaza si loogu ogolaado gargaar bini'aadantinimo iyo caafimaad oo degdeg ah."

Shtayyeh ayaa sidoo kale u ololeeyay "dadaal dheeri ah oo lagu ilaalinayo xalka labada dowladood iyo hirgelinta dhulka, taas oo lagu gaarayo iyada oo la soo afjarayo in Qudus tahay caasimada Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo looga digay inuu Beegsado Hogaamiyaha Cusub ee Iran

Jalali ayaa wareysi uu siiyay shabakadda warbaahinta Sputnik ku sheegay in shacabka Iran ay rabaan “aargoosi dhiig leh”.

  • Caalamka

    14-03-2026

  • 09:29AM

Garsoore Mareykan ah oo si Kumeel-gaar ah u Joojiyay Qorshaha Trump ku tarxiilayo Soomaalida

Dacwoodayaashu waxay ku doodeen in go’aanka maamulka uusan ku dhisnayn xaaladda amni iyo bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

  • Caalamka

    14-03-2026

  • 09:14AM