Yahuuda oo shacab horleh ku laysay duqeyn ka dhacdey Gaza

Image
Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarro ay Israa'iil ku qaadday laba guri.

DOOHA, Qadar - Ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Yassin Muhammad al-Amour, Mahmoud Adel al-Najjar, iyo wiilkiisa Adel ayaa lagu dilay weerarka ka dhacay magaalada al Fukhari.

Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarro ay Israa'iil ku qaadday laba guri oo ku yaalla xaafadaha Tuffah iyo al Shujaiya.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeeyay xaafadda Zeitoun, aagaga waqooyi ee xerada Nuseirat, meelo badan oo ka tirsan Deir al Balah, magaalada Al-Masdar, iyo xerada Maghazi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM