Yahuuda oo xabsi kasii deysay mudane reer Falastiin ah

Image
Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii Khalida Jarrar lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah.

TEL AVIV, Israel - Khalida Jarrar oo ah haweenay 58 jir hormuud u ah siyaasadda iyo ururadda bulshada Falastiin ayaa la sii daayay kadib ku dhawaad ​​laba sano oo ay ku jirtay xabsiyada Israa’iil.

Jarrar, oo u jaranjeerta garabka bidix ah ahna xubin ka tirsan sharci-dejinta Falastiin (PLC) ayaa laga sii daayey bar-kontarool ku taal galbeedka magaalada Jenin galabnimadii Axadda.

Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii Khalida Jarrar lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah ka gedaal marki lagu eedeeyay in ay xubin ka noqotay "urur sharci -darro ah".

Mas'uuliyiinta Yahuuda ayaa ka mamnuucay in ay safarto tan iyo 1988-kii, marka laga reebo safar saddex toddobaad ah oo ay ku tagtay Amman, Jordan, si loogu soo daweeyo.

Jarrar waxaa loo doortay xubin ka tirsan PLC ee liiska PFLP 2006. Waxaa kaloo loo magacaabay Guddiga Qaranka Falastiin si ay ula socoto Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah.

Bishii Luulyo, mid ka mid ah labada gabdhood ee Jarrar, Suha, oo 31 jir ah, ayaa ku dhimatay Ramallah ka dib xaalado caafimaad oo soo foodsaare, sida ay ku waranaty warbaahinta maxaliga ah.

Dhacdadaas ayaa waxay horseeday olole iyo baaqyo ballaaran Israel looga dalbanayo in ay xorriyadeeda u soo celiso siyaasiyaddan si ay uga qeybgasho aaska gabadheeda, taas oo Israel ay diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shaaciyay Barnaamijka “Trump Card” oo ah Deganaansho Mareykanka oo $5 Milyan ah

“Magaca waddanku waa UNITED STATES OF AMERICA. LIISKA SUGITAANKA HADA WAA FURAN YAHAY.”

  • Caalamka

    12-06-2025

  • 02:08PM

Israel oo weeraraysa Iran iyo Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn u kiciso xiisadda Bariga Dhexe, waxaana laga digay inay sababto dagaalkii 3aad ee adduunka.

  • Caalamka

    12-06-2025

  • 05:11AM