Yahuuda oo xabsi kasii deysay mudane reer Falastiin ah

Image
Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii Khalida Jarrar lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah.

TEL AVIV, Israel - Khalida Jarrar oo ah haweenay 58 jir hormuud u ah siyaasadda iyo ururadda bulshada Falastiin ayaa la sii daayay kadib ku dhawaad ​​laba sano oo ay ku jirtay xabsiyada Israa’iil.

Jarrar, oo u jaranjeerta garabka bidix ah ahna xubin ka tirsan sharci-dejinta Falastiin (PLC) ayaa laga sii daayey bar-kontarool ku taal galbeedka magaalada Jenin galabnimadii Axadda.

Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii Khalida Jarrar lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah ka gedaal marki lagu eedeeyay in ay xubin ka noqotay "urur sharci -darro ah".

Mas'uuliyiinta Yahuuda ayaa ka mamnuucay in ay safarto tan iyo 1988-kii, marka laga reebo safar saddex toddobaad ah oo ay ku tagtay Amman, Jordan, si loogu soo daweeyo.

Jarrar waxaa loo doortay xubin ka tirsan PLC ee liiska PFLP 2006. Waxaa kaloo loo magacaabay Guddiga Qaranka Falastiin si ay ula socoto Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah.

Bishii Luulyo, mid ka mid ah labada gabdhood ee Jarrar, Suha, oo 31 jir ah, ayaa ku dhimatay Ramallah ka dib xaalado caafimaad oo soo foodsaare, sida ay ku waranaty warbaahinta maxaliga ah.

Dhacdadaas ayaa waxay horseeday olole iyo baaqyo ballaaran Israel looga dalbanayo in ay xorriyadeeda u soo celiso siyaasiyaddan si ay uga qeybgasho aaska gabadheeda, taas oo Israel ay diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM