Zelensky oo codsaday in la difaaco si la mid ah Israa’iil

Image
Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine.

Kiev (GO) - Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay weerarka Iran ay ku qaaday Israel, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay caawinta xulafadiisa si looga hortago khataraha dhanka cirka ah, si la mid ah Israa’iil.

Zelensky wuxuu ku celiyay baaqiisii ​​ahaa in Congress-ka Mareykanka uu ansixiyo xirmo gargaar ah oo muhiim ah oo ay curyaamiyeen khilaafaadka siyaasadeed muddo bilo ah.

Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine, iyadoo ay sii xoogeysatay weerarada maalinlaha ah ee ka dhanka ah magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine.

Zelensky ayaa yiri "Ficillada Iran waxay halis ku yihiin gobolka oo dhan iyo adduunkaba, sida la mid ah Ruushka, iskaashiga u dhexeeya labada maamul waa in lala kulmo si adag iyo jawaab mideysan oo ka timaada caalamka.”

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo la Kulmay Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa 

Trump ayaa booqashadiisa Sacuudiga ka bilaabay Talaadadii, waxaana qayb ka ah safar uu ku tegayo dalalka Khaliijka.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 08:40AM

Xisbiga Xasan Sheekh ee JSP oo Laga Digay In Dalka U Jiheeyo Nidaam Kaligii-Talis ah

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu tolanayo shaar isaga la eg, maadaama uu dhistay xisbiga JSP.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 07:45AM