Zhao Wei: Canada oo ceyrisay diblumaasiyiin u dhashay Shiinaha

Image
Xukuumadda Beijing ayaa si adag u cambaareysay falkan waxay ku goodisey jawaab-celin cawaaqib leh.

TORONTO, Canada - Canada ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublamaasi u dhashay Shiinaha oo lagu magacaabo Zhao Wei kaasoo fadhigiisu ahaa magaalada Toronto, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Wei ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta saxafaadda gudaha, waxaa si ba'an lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa cabsi gelinta xildhibaan mucaarad ah iyo eheladiisa oo ku sugan Hong Kong.

Wasiirka arrimaha dibadda Canada, Mlanie Joly, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Wei si rasmi ah loogu wargeliyey in uusan baaqi kusii ahaan karin gudaha Canada.

"Uma dulqaadan doono nooc kasta oo ka mid ah faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha," ayay qortay. War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Wei laga doonayo in uu degdeg uga baxo Canada.

Dibloomasiyiinta wadamadda ajnabiga ah ee ku sugan gudaha waddanka Kanada ayaa looga digay in haddii ay ku kacaan hab-dhaqan noocan oo kale ah in loo diri doono dalkooda.

Dhinaca kale, safaaradda Shiinaha ee Ottawa ayaa cambaareysay ceyrinta dublamaasigeeda. "Waxaa jiri doona cawaaqibta ka dhalan doona falka", ayay tiri safaaradda Shiinaha.

“Dhinaca Shiinuhu wuxuu si adag u cambaareynayaa, si adagna uga soo horjeedaa arrintan, waxayna sameeyeen dibad-bax adag oo dhanka Canada ah," ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay bogga safaaradda.

Go'aanka cayrinta ayaa la gaaray ka dib markii warbixin sirdoon ay Wei la xiriirisay cabsi gelinta iyo aruurinta macluumaadka ku saabsan xildhibaan Michael Chong iyo qaraabadiisa oo ku sugan magaalada Hong Kong.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM