Aaba Ilyaas: Boorsadeedii iskuulka ayaan xusuus ahaan u wataa

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Bishii lasoo dhaafay hadalheynta ugu badan ee dadka Soomaaliyeed waxay ahayd kufsi iyo dil gabar yar loogu geystay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Gabadha la fara-xumeeyay, Caasha Ilyaas Aadan, ayaa kiiskeeda waxaa haatan loo hayaa labo ruux, kuwaasi oo cadaalada wajahaya.

Aabaheed, Ilyaas, waxa uu rajo wanaagsan ka qabaa in cadaalad ay heli doonto gabdhiisa, isaga oo doonaya in maxanayaasha la toogto.

Inkasta oo uu shaki kaga jiray in shareecada Islaam-ka la marsiinayo kuwa la hayo, hadana kadib kulankii madaxwayne Deni, wuu isbedalay mowqifkiisa.

"Madaxwaynuhu wuxuu noo sheegay in la dilayo … hadii uu shaki idin kaga jira ayuu nagu yiri, ka saara niyadiina," ayuu ku daray.

– Xusuus –

Aaba Ilyaas ayaa intii uu ku sugnaa Garowe wuxuu la kulmay dadka u dooda arrimaha haweenka, kuwaasi oo kiiskaan si wayn u danaaya.

Mudadii uu joogay caasimada dowlada Puntland waxa uu kasoo muuqday warbaahinta isaga oo wata boorso uu sheegay in ay gabadhiisa iskuulka ku aadi jirtay.

"Waxaan dharkeyga ugu gurtay boorsada si aan ugu xasuusto mar walba … ALLE ayaa i siisay oo iga ceshtay Inaa-lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun," ayuu raaciyay.

Intaasi kuma eka ficilada uu ku dhaqaaqay Aaba Ilyaasi si uu u soo xasuusto gabadhiisa waxaase wehlisa in uu shaashada telafoonkiisa uu saartay sawirkeeda.

Sawirka ayaa ah midka ay ku dul-xardhan tahay "Caasha cadaalad bay rabtaa" kaasi oo baraha bulshada si wayn looggu adeegsado.

"Markii uu ficilku dhacayay waan ka maqnaa dalka … Aad ayaan uga naxay balse waxay ahayd qadar ALLE," ayuu si cad u qiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM