Aabihii xushay ragga u qisaasay xubnihii ku xadgudbay gabadhiisa

Image

BOOSAASO, Puntland – Ilyaas Aadan, aabaha dhalay Caasha, gabadhii kufsi wadareedka iyo dilka loogu geystay Gaalkacyo sanadkii hore, ayaa xaqiijiyey in uu isagu soo xushay raggii qisaasay "dambiileyaasha".

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa aroornimadii Talaada lagu toogtay fagaare ku yaala Boosaaso, magaalo madaxda ganacsiga dowladda Puntland.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo ay walaalo yihiin Cabdifitaax, ayaa fulintiisa waxaa dib loo dhigay muddo tobban cisho ah si xaqiijin loogu sameeyo xukunka lagu riday.

Fulinta xukunka kadib, aabe Ilyaas oo dareen farxadeed muujiyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan qisaasta.

"Qoys ahaan annaga ayaa soo magacaabanay qisaasayaasha. Dowladda waxay nagu tiri soo xusha, xitaa waad iska dhaafi kartaa ciidamadda," ayuu u sheegay saxaafadda.

Wuxuu ku daray: "Kadib waxaan dirsaday wakiilo si ay qisaasta u fuliyaan. Anigana waa hubiyey in ay dhinteen. Dhuunta ayaan ka taabtay iyo meel walba oo nafta laga dareemi karay".

Xukunsanaha saddexaad ee la reebay ayuu ku tilmaamay "in uu dambiile ahaa" balse ay hubin ku sameyn doonan.

Gal-dacwadeedka Caasha Ilyaas oo carro xoogan keenay ayaa taariikh iyo maamuus u soo jiiday Soomaaliya maadaama uu noqdey kiiskii ugu horeeyay ee xukunkiisa lagu saleeyo baaritaan dhanka dheecaanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM