Al-Shabaab iyo Daacish oo duqeyn lagula beegsaday gobolka Bari

Image

BOOSAASO, Puntland – Diyaarado dagaal oo loo maleynayo kuwa Mareykanka ayaa duqeeyay degaano ay gabaad ka dhigteen maleyshiyo ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish garabka Soomaaliya.

Illo wareedyo dhinaca amaanka ayaa u sheegay Garowe Online, afar gantaal ayaa lagu gannay xubno Daacish ah oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Timirshe oo 60 KM u jirta xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

Saraakiisha amniga ayaa intaasi ku daraya in dagaalamayaal kale oo xoogaga Al-Shabaab ka tirsan kuwaasi oo biyo ka cabayay ceel-biyood ku yaala degaan ku dhow Timirshe lala dhacay laba gantaal.

Labada weerar ayaa ka kala dhacay IL iyo Cameero iyo Siido, oo ah labo meelood oo biyaha laga cabo oo ay kula sugnaayeen AlShabaab iyo Daacish.

Laamaha nabad-gelyadda Puntland oo xaqiijiyey howlgaladaan oo la qaaday saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in uu jiro khasaaro argagixisada soo gaarey, "balse ay baaris ku socoto tirada guud."

Illaa iyo haatan ma jiro war ku saabsan weeraradaan dhinaca cirka ah ee kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM.

Bishaan April 14-keeda ayay ahayd markii howlgal qorsheysan oo uu Mareykanka ka fuliyey degaanka Xiriiro ee isla gobolka Bari lagu khaarijiyey ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya. [Halkaan ka akhriso]

Al-Shabaab iyo Daacish oo degaanada Puntland ku xidideystay intii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas ayaa ku loolamaya maamulka tuulooyin xili dhowr jeer uu dhex-maray iska hor-imaad dhimasho keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM