Al-Shabaab oo sheegatay dilka Boosaaso iyo Gudoomiyaha G/Bari oo ka hadlay

Image

BOOSAASO, Puntland - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Agaasimihii Shirkadda P&O ports ee Dekadda magaaladda Boosaaso, kaasoo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa.

Afhayeenka dhanka howlgallada Al Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa shaaciyey in Guutada dilalka kharijinta u qaabilsan Kooxda ay subaxnimadii hore ee saaka Boosaaso ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday agaasimihii DP World.

Dhank kale, Yuusuf Maxamed, oo ah gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sheegay in labo ruux oo isku soo ekeysiiyay Kalluumeysato ay ku toogteen Paul Anthony Formosa xilli uu kusii jeeday Dekedda Boosaaso.

Formosa, oo kasoo jeeda Jaziiradda Malta ayaa ku dhintay Isbitaalka kadib markii dhaawac kasoo gaarey rasaasta lagu furay.

Ciidamo ilaalo u ahayd Sarkaalkan P&O ports u qaabilsanaa Dekedda Boosaaso ayaa toogtey mid kamid ah labada dableyda ah, iyadoo midka kale ay gacanta ku dhigeen isagoo dhaawac ah, waxaana lagu daweynayaa magaaladda.

Shirkadda P&O ports ayaa horaantii sanadkii 2017 heshiis 30 sano ah la gashay maamulkii Cabdiweli Gaas, kaasi oo ay ku maamulayso islamarkaana ku ballaarinayso Dekadda magaaladda Boosaaso.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay P&O ports, oo hoostagta DP World, oo laga leeyahay dalka Imaraadka Carabta oo ku saabsan dilka Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM