Al-Shabaab oo sheegatay ismiidaaminta caasimada Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda qaraxii caawa fiidkii ka dhacay agagaarka saldhiga booliska gobolka Nugaal ee caasimadda Puntland ee Garowe.

War qoraal ah oo lagu faafiyey baraha internet-ka ee taageera xoogagaas ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka uu ahaa gudoomiyaha Nugaal iyo Taliyihii hore ee booliska gobolka.

Balse waxay ka gaabsadeen in ay si cad u sheegaan waxyeeladda guud ee ka dhalatay weerarkaas is-miidaaminta ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah magaalada ayaa sababay dhaawacyo soo gaarey gudoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliye Faarax Galangooli, oo xaaladooda lala tacaalayo.

Dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa dhaawacyadda mas'uuliyiinta ku tilmaamay "kuwa aad u culus".

Laamaha ammaanka Puntland ayaanan si rasmi ah wali uga hadlin dhacdada iyo wadarta guud ee waxyeelada ka dhalatay qaraxaas.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in askari kamid ahaa ilaalada mas'uuliyiinta uu dhaawacyo kasoo gaarey "falkaas argagaixiso".

Garowe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga fiican Puntland. Falalka liddiga u ah nabad-gelyada waxay ku yihiin naadir, waxaana ugu wacan hay'addaha ammaanka oo waajib iska saaran xasilinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM