Amniga caasimada Puntland ee Garowe oo laga dayrinayo

Image
Asbuucan, dhowr dhacdo oo liddi ku ah nabad-gelyada ayaa laga diiwaan-geliyey magaala madaxda. [Photo: Abdirahman Bulshaawi]

GAROWE, Puntland – Asbuucan sii galbanaya, saddex dhacdo oo liddi ku ah amniga ayaa laga diiwaan-geliyey caasimada Puntland ee Garowe. Falalkaas waxay soo cusbooneysiiyeen walaaca dadka qaar ka muujinayaan nabad-galyada caasimada.

Habeenkii Isniinta 27-dii September, 2021, rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada ayaa dishay gabar rayid ahayd. Talisk aBooliska gobolka Nugaal wuxuu xusay in dowladu bixineyso diyadda marxuumad Maryan Axmed Caato.

Isla bishii hore 30-keeda, 2021, Bootaan Maxamed Bootaan, sarkaal ka tirsanaa ciidamadda PMPF-ta, ayaa nin sarkhaansan ayna wada socdeen ay xabad kaga fakatay duleedka Garowe. Maxamed Af-dheer, gacan-ku-dhiiglaha, wuu xiran yahay.

Caweysnimada 30-kii September, 2021, dabley ayaa rasaas ku furtey guriga taliyaha qeybta bileyska gobolka Nugaal. Maxamed Aadan Jaamac waxba kuma noqon falkaas. Ma cadda sababta loo beegsadey. Balse waxaa lala xiriiriyey is-qabqabsi dhul.

Taliyaha Ciidanka Booliiska, Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare), ayaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa wuxuu maanta shir guddoomiyay shir muhiim ah oo lagu dardargalinayo Amniga Gobolka Mudug.

Kulankan kusoo aadey xaalad xasaasi ah waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamadda Qalabka sida ee Puntland, Xeer-ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada, Taliyaha Qeybta Gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, Kuxigeenkiisa Cabdi Siciid Xuseen Jaamac (Koomaad) taliyeyaasha Saldhigyada magaalada Gaalkacayo iyo  Saarakiisha Booliska.

Aaga cabtoyda

"Taliyaha Qeybta Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire ayaa uga warbixiyay taliyaha Ciidanka Booliska dowladda PUNTLAND xaalada Gobolka,wuxuuna tilmaamay in xaalada Amniga gobolku tahay mid xasiloon shaqada ciidanka Booliskuna tahay mid aad u wanaagsan oo ay shaqeeyaan habeen iyo maalin," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Garowe Online oo u kuur-galay "amni daradan soo korortey" ayaa la hadlay shaqsiyaad isugu jira shacab iyo saraakiil ciidan. Maxsuulka baaritaanka waxay muujineysaa in sababta ay salka ku hayso maandooriyaha oo kusoo batay magaala madaxda.

"Magaalada waxay gaartey heer la yiraahdo aaggaas waa meesha Cabtoyda oo dadka waa lagu dhacaa ama waa lagugu dilayaa," ayuu yiri mid kamid ah dadka u waramay GO kaasoo magaciisa uga gaabsadey in uu u baqayo ammaankiisa.

Si lamid ah, natiijada xog-uruurinta ayaa dhaliisha ugu badan dusha u saarineysa guddiga amniga gobolka Nugaal. Dadka qaar waxay ku sifeeyeen "kuwa gabay mas'uuliyadooda".

"Gudiga amniga gobolka Nugaalka wuxuu noqday mid fadhiid ah oo xalin waayey amniga Garowe oo kaliya gobolka intiisa kale ha joogee  iyadoo dadka lagu laynaya oo habeen walba qof ku dhimanaya indhaha laga daawado oo aan hal tilaabo laga qaadin," ayuu yiri qof kale oo kamid ah dadka la hadlay GO.

Xukuumadda madaxwayne Saciid Deni ayaa ku guuleysatay in ay xaqiijiso ammaanka meelo ay ugu horeyso Gaalkacyo, dib-u-habeyn ku sameyso ciidamada soona saarto cutubyo horleh. Balse, waxaa muuqata in caasimadda uu amnigeedda sii liicayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM