Ansixinta Xukuumadda cusub ee Puntland oo dib loo dhigay [Akhri Sababta]

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa dib u dhigay kulan maanta lagu ansixin lahaa Xukuumadda uu todobaadkan soo magacaabey Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Illo-wareedyo ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Gollaha Wasiiradda ay hortagi doonaan Baarlamanka maalinta sabtida ah, 16-ka Febuary, 2019, si ay codka kalsoonida u waydiistaan Xildhibaanadda.

Sababta dib uu dhigida ayaa lagu sheegay cilad-farsamo.

Kulamo gaar-gaar ah ayaa ka socday Garowe tan iyo markii la dhaariyay Xukuumadda, iyadoo Wasiiradda cusub iyo Madaxweyne Deni ay shirar la yeelanayaan Xildhibaanada, taasoo qeyb ka ah dedaallada ku aadan ansixinta.

Waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay kalsoonida siiyaan Xukuumadda oo ka kooban 48 xubnood, oo Wasiirro, ku xigeenno iyo Wasiirro dowliyaal isagu jira, maadaama ay Xildhibaannada taageersan yihiin.

Madaxweyne Deni oo la doortey 8-dii January, 2019 ayaa balan qaadey isbedello dhaqaale iyo mid amni, waxaana uu shacabka ugu baaqey inay la shaqeeyaan dowladdiisa, si ay Puntland u gaarsiiso doorasho qof iyo cod shan sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM