Ansixinta Xukuumadda cusub ee Puntland oo dib loo dhigay [Akhri Sababta]

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa dib u dhigay kulan maanta lagu ansixin lahaa Xukuumadda uu todobaadkan soo magacaabey Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Illo-wareedyo ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Gollaha Wasiiradda ay hortagi doonaan Baarlamanka maalinta sabtida ah, 16-ka Febuary, 2019, si ay codka kalsoonida u waydiistaan Xildhibaanadda.

Sababta dib uu dhigida ayaa lagu sheegay cilad-farsamo.

Kulamo gaar-gaar ah ayaa ka socday Garowe tan iyo markii la dhaariyay Xukuumadda, iyadoo Wasiiradda cusub iyo Madaxweyne Deni ay shirar la yeelanayaan Xildhibaanada, taasoo qeyb ka ah dedaallada ku aadan ansixinta.

Waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay kalsoonida siiyaan Xukuumadda oo ka kooban 48 xubnood, oo Wasiirro, ku xigeenno iyo Wasiirro dowliyaal isagu jira, maadaama ay Xildhibaannada taageersan yihiin.

Madaxweyne Deni oo la doortey 8-dii January, 2019 ayaa balan qaadey isbedello dhaqaale iyo mid amni, waxaana uu shacabka ugu baaqey inay la shaqeeyaan dowladdiisa, si ay Puntland u gaarsiiso doorasho qof iyo cod shan sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM