Askari ka tirsan booliska Puntland oo lagu toogtay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Dabley ayaa aroornimadii Khamiista maanta ah waxay dil ka geystay magaaladda Boosaaso ee caasimadda gobolka Bari.

Goobjoogeyaal ayaa kusoo waramay in toogashadda ay ka dhacday aaga lagu magacaabo Baxayo oo ka tirsan xarunta ganacsiga Puntland.

Laamaha amniga ayaa xaqiijiyey in ruuxa la beegsaday uu ka tirsan yahay ciidamada bileyska gaar ahaan kuwa ilaaladda waddooyinka.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Xaaji Yuusuf, sidda laga soo xigtay warbixin horudhac ah oo kasoo baxday Taliska Booliska.

"Gacan ku dhiigleyaasha ayaa baxsaday falka kadib. Hay'addaha ammaanka way ku raadjoogaan," ayuu yiri sarkaal sarre oo GO u waramay.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda dhacdadaas, balse magaaladda waxaa falal liddi ku ah nabad-gelyadda ka geysta Al-Shabaab iyo Daacish.

Bartamihii todobaadkan ayay ahayd markii maxkamad ku taala Boosaaso ay xukuno ku riday askar lagu eedeeyay fal-dambiyeedyo kala duwan.

Kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Bari, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa dilay 4 Daacish ka tirsanaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM