Askari 'fududeeyay' dilka maareeyihi P&O ee dil lagu xukumay

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Dambiyadda Culus ee Puntland ayaa maanta oo Isniin ah dil toogasho ku xukuntay askari lagu eedeeyay in uu fududeeyay dilka meeryihii dekadda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports.

Paul Anthony Farmosa, oo kasoo jeeda Jaziiradda Malta, ayaa 4-ta bishii Febraayo ee sanadkan 2019 lagu khaarijiyey qaybta Kaluunka ee marsadda xarunta gobolka Barri, iyadda oo uu ka dambeeyay shaqsi hubeysan.

Ciidamadda ammaanka ayaa isla goobta ku toogtay dableyga, kaasi oo dhaawac ahaan loo dhigay isbitaal kahor inta uusan geeriyoon, isaga oo ay la tacaalayaan xaaladiisa dhakhaatiirta.

Dable Cabdi Cali Xirsi, oo ka tirsan Ciidamadda Badda Puntland, ayay xeer-beegtaddu sheegtay in uu dambiga ku cadaadey, isla markaana lagu xukumay "ciqaabta uu mudan yahay".

Xirsi ayaa wuxuu haystaa fursad uu Racfaan uga qaadan karto xukunka dilka toogashadda ah ee garka loo geliyay, sidda ay ka dhawaajiyeen garsooreyaasha.

Xukunkan ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo Puntland ay dhowaan shaaca ka qaadey in ay soo bandhigeyso baaritaano madax banaan oo ay ku sameysay cidda ka qayb-qaadatay falkaasi.

Shaacintaasi ayaa timid markii wargeyska New York Times uu qoray in qarax bishii May ka dhacay Boosaaso ay ku lug-lahayd Qadar, hadafkuna ahaa curyaaminta danaha Imaaraadka.

Wadamadda Khilaafka oo tan iyo markii uu qarxay khilaafka dhexdooda ah ayaa saameyn togan ku yeeshay siyaasadda dalal ay ku jirto Soomaaliya.

P&O Ports ayaa wakiil ka ah shirkadda DP World, oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, taasi oo maamusha dekaddaha qaar ee Soomaaliya ayna kamid tahay marsadda Berbera.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM