Axmed Karaash: Beesha Caalamka waa in hadalku u bedashaa ficil

Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cisman [Karaash], ayaa ku tartarsiiyay beesha caalamka in balanqaadyadooda ay noqdaan kuwa dhaqan-gala oo aan kaliya hadal ku koobneen.

"Waxaan u jeedineynaa [Beesha Caalamka] wixiina af yaanu ku koobnaanin ee ha la idinka arko," ayuu yiri Mr Karaash oo shalay kaga qaybgalay Garowe xaflad lagu dhagax-dhigay xarun ay hay’adda PUNSA ka dhisaneyso caasimada.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa daaha ka rogay in dowladda ay qaadan doontooda doorkeeda kaga aadan dhismaha xaruntaasi oo la filayo in loo dhiso qaab casri ah, isla markaana ka kooban xafiisyo kala duwan.

"Madaxwaynuhu wuu ka war-qabaa sidaan filayo, dib ayaan isugu laaban doonaa…wixii dowlada kaga aadana waan qaban doonaa hadii uu ALLE raali ka noqdo," ayuu hadalkiisu raaciyay.

Dalada jilayaasha aan dowliga ahayn ee Puntland [PUNSAA] oo la aas-aasey sanado badan kahor ayaa door wayn ka ciyaarta dimoqraadiyeenta maamulkaan, sida laga soo xigtay madaxwayne ku xigeenka.

"Beesha caalamka waa iyagii mar kasta soo qaada bulshada rayidka, waxoodu hadii aanu isku dir iyo af ahayn, way is-keeneen, waana in ay wax ka qabtaan," ayuu daba dhigay Mr Karaash.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumada cusub ee uu hogaamiyo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ay ka go’an tahay in ay hir-geliso nidaamka xisbiyadda badan.

"Wixiinu afka yaysan noqon ee ha niilka arko sidaan bulshada rayidka u qiimeenaysaan," ayuu ku daray madaxwayne ku xigeen Karaash oo la hadlay saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM