Axmed Karaash oo socdaal ku tegay magaaladda Boosaaso

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safar shaqo oo gaaban ku gaaray magaalada Boosaaso, waxaana xarunta ganacsiga Puntland kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Wasiirka Amniga dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Waftiga la socdey oo xilli habeenimo ah ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa sii maray degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Nugaal, Kar-kaar iyo Bari.

Kusima Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo qasriga Madaxtooyada Boosaaso ku hadlay ayaa ugu horayn u mahadceliyey masuuliyiintii gobolka ku soo dhoweeyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa mid shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu kusoo gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo nasiib u yeelatay inuu kusoo gaaro socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo doorashadii kadib. Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in uu safaro shaqo oo kale ku imaandoono gobolka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu joogo gobolka Bari shaqooyin muhiima ka qabandoona gobolka, waxaana uu kulamo muhiima la qaadandoonaa laamaha ammaanka, waxgaradka iyo shacab weynaha gobolka.

Puntland State House

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM