Axmed Karaash oo socdaal ku tegay magaaladda Boosaaso

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safar shaqo oo gaaban ku gaaray magaalada Boosaaso, waxaana xarunta ganacsiga Puntland kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Wasiirka Amniga dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Waftiga la socdey oo xilli habeenimo ah ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa sii maray degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Nugaal, Kar-kaar iyo Bari.

Kusima Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo qasriga Madaxtooyada Boosaaso ku hadlay ayaa ugu horayn u mahadceliyey masuuliyiintii gobolka ku soo dhoweeyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa mid shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu kusoo gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo nasiib u yeelatay inuu kusoo gaaro socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo doorashadii kadib. Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in uu safaro shaqo oo kale ku imaandoono gobolka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu joogo gobolka Bari shaqooyin muhiima ka qabandoona gobolka, waxaana uu kulamo muhiima la qaadandoonaa laamaha ammaanka, waxgaradka iyo shacab weynaha gobolka.

Puntland State House

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM