Puntland iyo Minnesota oo "yeelanaya wadashaqeyn"

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada dowladda Puntland, mudane. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa shalay shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa Cusmaan wuxuu ku wehliyey shir-guddoonka kulanka oo ay xaadireen inta badan sharci-dejiyeyaasha golaha.

Fadhiga shalay ayaa waxaa Golaha Wakiillada DPL hor-yimid, Maxamuud Nuur, Xildhibaan Aqalka Baarlamaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Nuur ayaa khubad dheer oo uu u jeediyey Golaha Wakiillada DPL waxa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta Baarlamaanada Puntland iyo Minnesota.

Sharci-dejiyaha ayaa cod dheer wuxuu ku xusay inay ka shaqeynayaan sidii qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Mareykanka maal-gashi ugu sameyn lahaayeen dalka.

Dhankiisa Cusmaan ayaa uga mahadceliyey Xildhibaanka booqashada uu ku yimi Aqalka Wakiillada isaga oo xusay inay muhiimada siinayaan wada-shaqeynta labada Baarlamaan.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha ayaa ku war-geliyey Xildhibaanada in Golaha fasax sii ahaan doono illa inta laga soo gudbinayo liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM