Baarlamaanka PL oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumada cusub

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiilada ee dowlada Puntland oo fadhi aan caadi ahayn Sabtida maanta ah ku yeeshay xaruntooda magaala madaxda Garowe ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumada cusub ee Madaxwayne Deni.

Kulanka aqalka oo ay soo xaadirtay 63 mudane, ayna maqneed 3 kale, ayaa waxaa shir gudoominayey Afhayeenka Gollaha Shacabka DPL, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed].

Kahor inta aanan codka kalsoonida loo qaadin, wasiir kasta waxa uu u mariyay Xildhibaanada sooyaalkiisa nolaleedka iyo aqoontiisa shaqsiga ah, taasi oo qayb ka aheyd dalabka Sharcidejiyaasha.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, oo intaasi kadib, kalmada qaatay ayaa balanqaaday in uu fulinayo qodobadii uu wacadka ku maray dhaqan-gelintooda markii uu olo'olaha ku jiray.

Deni oo sii hadlaya ayaa gabi gabadii uu ka codsaday Xildhibaanada ay u ansixiyeen wasiirada cusub, kuwaasi oo ka kooban wadar ahaan 45 xubnood oo isugu jira 18, wasiir, 18 ku xigeeno iyo 9 wasiiru dowlayaal.

Ugu dambeyntii, mudanayaasha ayaa codka kalsoonida ugu qaaday xukuumada cusub qaab gacan-taag ah, taasi oo natiijada kasoo baxday ay noqotay in ay si wada ogol ah ku meel-mariyeen.

Gollaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo tiro ahaan ka yar xukuumadii Cabdiwali Gaas ayaa la kulmay soo dhawayn diiran, iyaga oo la dhowrayo wax-qabad aad u sareeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM