Baarlamaanka Puntland oo ka doodey yagleelida maxkamadda dastuuriga

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Talaadada maanta ah markii ugu horeysay 22-sano kadib wuxuu ka doodey dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamada Dastuuriga ah.

Fadhigii maanta oo ay soo xaadireen 39 mudane waxaa u dhamaa shir-gudoonka; afhayeenka golaha, C/rashiid Yuusuf Jibriil, iyo labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Dooda kadib, sharci-dejiyeyaasha oo cod qaadey ayaa 38 kamid ah waxay isku raacday in ajendaha laga dhigo qodobka ugu dambeeya ee kalfadhiga 46-aad, ma jirin cid diidey, waxaase ka aamusay hal Xildhibaan.

Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa ka kooban sagaal xubnood oo shan kamid ah ay yihiin garsooreyaasha Maxkamadda Sarre, afarta kale waxaa min laba u soo xulaya Golaha Wakiilada iyo Xukuumada hada jirta.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ayaa hogaamin doona, waxaase ka horeysa in ay codka kalsoonida ka helaan golaha xeer-dejinta.

Yagleelida Maxkamada Dastuuriga ah oo xalin doonta khilaafyadda hay'addaha dowladda ayaa muhiim u ah nidaamka xisbiyadda badan ee Puntland ay u gudbeyso si awooda dib loogu celiyo dadweynaha.

Puntland oo la aas-aasay 1-dii August, 1998-kii ayaa bisha soo aadan u dabaalgeysa sanad-guuradii 23aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay, waxayna timid xilli ay socdaan qorsheyaal lagu casriyeynayo maamulkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM