Baarlamaanka Puntland oo laalay codsigii xasaanad ka qaadista Daad

Image

GAROWE, Puntland - Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxay ka hor-yimaadeen codsigii xasaanad ka xayuubinta ee Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Dalabkan ayaa waxaa todobaadkii hore gudbisay xeer-ilaalinta oo ku eedeysay mudanaha in uu hadalo qadaf ah ka jeediyay furitaanka kalfadhigii 45aad ee Aqalka.

Sidda uu gudoonka ku dhawaaqay, 39 mudane oo kamid ah 41 Xildhibaan oo fadhiyey kulanka 5-aad ee kalfadhiga 45-aad ayaa u codeeyey in Xildhibaanku "uusan wax danbi ah gelin".

Xildhibaan Daad ayaa su'aal ku saabsan xaaladda Puntland "oo uu ka been sheegay" wuxuu waydiiyey madaxweyne Deni, kaasoo si adag u difaacay howlaha xukuumadiisa.

Daad ayaa maamulkii Cabdiwali Gaas ka ahaa Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda, wuxuuna ku guuldareystay bixinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidamadda dowladda.

Go'aanka xeer-dejinta ayaa kusoo aadaya iyadda oo madaxweyne Deni "uu cafis u fidiyey Xildhibaanka" kadib dhambaal raali gelin ah oo uu ka helay in ka baddan 20 Xildhibaan.

Talaabadda baarlamaanka ayaa waxay sidoo kale kusoo aadaya xili warar soo baxaya ay sheegayaan in xeer-ilaalinta ay ka noqotay dalabkii xasaanad ka qaadista iyo dacwad ay kusoo oogi lahayd Daad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM