Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada dowlada [Daawo]

Image
Image

GAROWE, Puntland – Xubnaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah fadhi aan caadi ahayn waxay ku yeeshay xaruntooda magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Afhayeenka Aqalka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, oo ay wehliyaan labadiisa ku xigeen ayaa gudoomiyay kulankaasi.

Ajendaha kulanka ayaa wuxuu ahaa meel-marinta Miisaaniyadda dowladda ee sagaalka bilood ee soo aadan.

Fadhigaan oo ah midka 24aad ee kal-fadhiga 43aad ayaa waxaa soo xaadirtay 40 mudane, oo kamid ah 66 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha.

Mudanayaasha ayaa maalintii shalay ahayd ka yeeshay Miisaaniyadda dood xiiso badan, iyada oo mas'uuliyiinta wasaarada maaliyada su’aallo laga waydiiyay.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xassan Shire Cabdi, ayaa todobaadkii hore u soo gudbiyay Sharcidejinta miisaaniyada si ay uga guraan waajibaadkooda.

Gudoomiye Cabdixakiin oo furitaanka kulanka hadalka qaatay ayaa sheegay in Miisaaniyadaan ay muhiim u tahay in la ansixiyo si howlaha dowlada u sii socdaan.

Cod gacan taag kadib, natiijada kasoo baxday waxa ay ka noqotay in hal Xildhibaan uu ka aamusay, mid kale uu diiday, xili ay 38 u codeysay.

Cadad ahaan Miisaaniyaddaan ayaa gaareysay $54,000,450 [konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton dollar], xili ay horey u soo meel-mariyeen Golaha Wasiirada.

Sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta wasaarada Maaliyadda, meelaha ugu badan ee Miisaaniyada qoondada ku leh waxaa kamid ah; amniga iyo adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM