Golaha Wakiilada dowladda Puntland oo u yeeray laba wasiir

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixino laga dhageystay Madax-guddiyeedyada guddiyada Golaha.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Fadhigoodii maanta ayaa warbixinno ka dhageysteen Madax guddiyeedyada Guddiyada, kuwaas oo kormeero ku tegey, kulamo la qaatay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda Puntland.

Ujeeddada kulamadaas oo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee u baahan in guddiga joogtada ah wax ka qabto.

Dhinaca kalena, Guddiga joogtada ah ayaa loo qeybiyey xeerarka Goluhu ku ansixiyey kalfadhiga 46-aad kaas oo faafinta rasmiga ah lagu soo saaray, kuwaas oo kala ahaa;-

Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Golayaasha Deegaanka Dawladda Puntland.  Xeerka Maareynta Dhulka Magaalooyinka Dawladda Puntland.

Ugu dambayn, dhageysiga warbixinnada ka dib guddiga joogtada ahi waxay go’aamiyeen in loo yeero; Wasiirka Maaliyadda DPL 2. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL

Wasiiradda ayaa wax laga weydiin doona cabashooyin ay ka soo gudbiyeen Madax-guddiyeedyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM