Baarlamanka PL oo go'aan kasoo saarey qaab loo ansixinayo wasiirada cusub

Image

GAROWE, Puntland - Xubnaha Gollaha wakiilada dowlada Puntland ayaa maanta fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay xaruntooda magaalada Garowe, iyadoo uu shir gudoomiyay gudoomiyaha, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhooba].

Fadhiga oo ajendahiisa uu ahaa cod u qaadista hadii wadar ahaan loo meel-marinayo ama mid-mid xubnaha cusub ee Gollaha Wasiirada ayaa waxaa soo xaadirtay 53-da xubnood ee uu Golluhu ka kooban yahay.

Coddeynta oo ahayd mid aad isugu dhaweyd ayaa waxaa u ogolaatay qaraarkani 26 sharcidejiyaal, halka ay kasoo horjeesteen 24 kale, iyada oo ay ka aamuseen 3 Xildhibaan.

Bishii hore Janaayo ayay ahayd markii qaar ka tirsan Gollaha Shacabka DPL ay soo jeediyeen in mid-mid kalsoonid u siiyaan wasiirada cusub ee la rajaynayo inuu ku dhawaaqo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanada u olaleynayey qaraarka laga codeeyay ayaa ku doodaya in ujeedkoodu yahay si ay u xaqiijiyeen tayada iyo wax qabadka uu la imaan karaan wasiirada cusub si ay waajibaadkooda uga soo baxaan.

Maalmaha soo aadan ayaa la rajeynayaa inuu Madaxwayne Deni soo bandhigo liiska Gollahiisa wasiirada cusub, kuwaasi oo la sheegayo inay tirro iyo tayo ahaan ka gedisnaan doonan xubnahii hore.

Shalay ayey ahayd markii xubnaha wakiilada Puntland ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in degaanada Puntland laga hirgeliyo nidaamka dimoqraadiyada iyo doorasho qof iyo cod ah shan sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM