Beesha Caalamka oo Puntland u jeedisay bogaadin la xiriirta Covid-19

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Masuuliyiin ka tirsan World bank.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu Puntland ku yeelan karo, diyaar-garowga Puntland ee Cudurkan iyo doorka beesha caalamku ka qaadanayso dadaalka socda ee Puntland kaga hortegayso Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowladda Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyadda, Deni ayaa la wadaagay xubnaha saaxiibada caalamka warbixintii ay Puntland ka diyaarisay cudurka iyo saameynta uu ku yeelan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wakiilada daneeyeyaasha ay ku bogaadiyeen Puntland in ay goor hore bilowday wacyi-gelinta iyo ka hortagga faafitaanka caabuqaas dilaaga ah.

Degaanadda Puntland ayaa nan wali laga soo warin xaalad la xiriirta xanuunka Covid-19. Balse waxaa jira shaqsiyaad laga baarey kuwaas oo natiijada kasoo baxda ay noqotay in aysan qaadin fayruska safmareenka ah. Dowladda Puntland ayaa soo rogtay bandow habeenkii ah.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM