Booliska Puntland oo qoondadooda laga siinayo deeqaha Midowga Yurub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - La taliyaha sare ee Amniga Madaxweynaha Puntland Maxamad Cabdiraxman Maxamad oo ay weheliyaan la taliyaha Amniga & dowlad wanaagga Wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Thomas Kirchner iyo la taliyaha arrimaha siyaasadda xafiiska midowga Yurub ee gobolka fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi David Korprla ayaa kormeer ku tagey Taliska Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe.

Booqashadaas oo salka ku haysey u kuurgelidda arrimaha Booliiska, tageerada midowga Yurub qorsheynayo inuu siiyo barnaamijka dib u loogu dhisayo ciidanka Booliska Puntland ayaa waxay xafiiska Taliska kula kulmeen Taliye Xigeenka ciidanka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cawke Taliye Xigeenka CID Cismaan Cabdi Maneeno iyo taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugaal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Waftiga Midowga Yurub iyo la taliyaha sare ee Amniga Madaxweynaha Puntland ayaa warbixin ka dhegeystey saraakiisha ciidanka, waxa ay sheegeen iney jirto baahi loo qabo in ciidanka Booliiska Puntland qaybtooda ka helaan deeqaha midowga Yurub ugu talagaleen dib u dhiska ciidamada.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa wada qorshe dib loogu dhisayo ciidanka Booliska Soomaaliya, kaas oo la filayo inuu ciidamada shisheeye ee jooga koonfurta Soomaaliya kala wareegaan sugidda Amniga degaanadaasi, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM