Boosaaso oo laga dhagax-dhigay mashruuc muhiim ah [Sawirro]

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Puntland ayaa si rasmi ah waxay magaaladda Boosaaso uga dhagax-dhigtay mashruuc cad-cadeeda [qoraxda] looga dhalinayo koronto oo uu maalgelinayo sanduuqa horumarinta ee Abu Dhabi.

Boosaaso waa xarunta ganacsiga dowlada xubinta ka ah federaalka Soomaaliya, waxayna dhanka Koonfur kaga taalaa Gacanta Cadan.

Mashruucaan oo dad badan ay ka faa'iideysan doonan ayaa qayb ka ah balanqaadkii madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee taageerida waaxda tamarta isla markaana hoos loogu dhigayo qiimaha korontada.

Xukuumadda ayaa mar sii horeysay waxay diyaarisay qorshaha lagu fulinayo mashruuca, waxaana kamid ah dayactirka waddooyina iyo rakibidda baalayaasha nalalka cad-cadeeda [qoraxda] ku shaqeeya.

Mas'uuliyiin kala duwan oo isugu jira; wasiiro, maamulka gobolka Bari iyo saraakiil kale ayaa ka qeybgalay dhagax-dhiga mashruuca.

Axmed Maxamed Yuusuf, wasiirka tamarta Puntland, ayaa ku bogaadiyey Imaaraadka Carabta iyo Sanduuqa horumarinta ee Abu Dhabi doorka ay ka qaadanayaan horumarinata degaanada maamulkan

Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu balanqaadey in uu maalgelinayo mashaariicyo kala duwan oo laga fulinayo gudaha magaalada xeebta leh, waxaana kamid ah dhismaha garoon [madaar] diyaaradeed iyo dekad cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM