Wararka ku hareereysan isbadalkii lagu sameeyey hay'adda PSF

Image

BOOSASO- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulai Dani oo maalntii shaley xilka ka qaadey Agaasimihii hay'adda PSF Maxamuud Cabdulahi Cismaan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa dagan xaalada magaalada Bosaaso kadib markii halkaas ay isugu tageen ciidamada Amniga Puntland oo kala duwan.

Ciidamada hay'adda PSF ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan soo faaruqiyey qaar kamid furumaha buuraha kadib markii xil-ka qaadis lagu sameeyey Agaasimihii hay'adaas. 

Sida warsidaha Garowe online fahansan yahay waxaa jira wadahadal dhinaca taleefanka ah ee u dhexeeya saraakiisha hay'adda PSF iyo madax ka tirsan amniga Puntland kuwaas oo rajo wanaagsan ka muujiyey in xal laga gaaro xaalada jirta.

Dhinaca kale waxaa jira warara sheegaya in wafdi ka socda ciidamada Mareykanka qaybta AFRICOM booqasho ku Imaan doonaan magaalada Boosaso.

"Booqashada saraakiishaan ayaa aheyd mid horey loo sii qorsheeyey, oo aan ku xireyn xaalada taagan balse waa suurtagal iney nagala hadlaan isbadalka lagu sameeyey hay'adda." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal diidey in magaciisa la sheego xaalada jirta awgeed.

Hay'adda PSF oo kamid ah hay'daha amniga Puntland ayaa markii la aasaasey waxaa madax ka noqdey AHN Cismaan Cabdulahi Diyaano. Cismaan Cabdulahi Diyaano ayaa waxaa xilka ka qaadey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole isagoo ku badalay Asad Diyaano oo ah will uu dhaley Cismaan Diyaano.

Asad Diyaano ayaa xilka hay'adda ka tagey dhamaadkii muddo xileedkii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas isagoo markaas noqdey musharax u taagan xilka madaxweynaha Puntland. Cabdiweli Cali Gaas ayaa xilka hay'adda ku magacaabey Maxamuud Cismaan Cabdulahi oo ah walaalka Asad Diyaano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM