Caasimadaha dowladaha Puntland iyo Jabuuti oo la mataaneynayo

Image

GAROWE, Puntland – Dowladaha Puntland iyo Jabuuti ayaa kawada shaqeynaya sidii ay u mataaneyn lahaayeen caasimadahooda, sidda uu shaaca ka dhigay mas'uul sarre kaasoo fahfaahiyey halka ay haatan wax u marayaan.

Axmed Saciid Muuse, duqa caasimada Puntland ee Garowe, ayaa Madasha PDRC Talks wuxuu habeenimadii Talaadada ka sheegay in dhigiisa Jabuuti ay mab'da ahaan isla qaateen talaabadan, ayna diyaarinayaan qoraalada.

Sidda laga soo xigtay Axmed, munaasabada saxiixa waxay Garowe ka qabsoomi doontaan dhowaan, wallow uusan dadweynaha la wadaagin waqtiga.

Xilli uu jeedinayey khudbada furitaanka Madasha, Axmed oo farxad ka muujiyey mataaneynta labada magaalo ayaa guul u rajeeyay qorshahooda.

"Waxaan noo suurtagashay in aan la kulano dhigayga Maayarka Jabuuti. Waxaan ku heshiinay in Garowe iyo Jabuuti la mataaneeyo. Hadda waxaa socda dukumiintiyadii iyo qoraaladii baa la diyaarinayaa. Waxaan ku martiqaadnay Garowe in ay yimaadaan. Insha Allah, waxaan rajeynaynaa heshiiska mataaneenta in aan ku saxiixno halkan PDRC aan joogno," ayuu ka dhawaajiyey.

Mawduuca Dooda Madasha PDRC wuxuu ahaa 'Doorka Dowladda Jabuuti ee Nabadeynta, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowlad-dhisidda Soomaaliya'.

Aadan Xasan Aadan, dajiraha Jabuuti u fadhiya Muqdisho oo marti ku ahaa, ayaa ku dheeraadey ka shaqeynta kaalinta dowladiisa, isagoo ku nuux-nuux saday in ay ka go'an tahay taageerida dedaalada aas-aaska loogu dhigo qaranka.

Ka qeybgaleyaasha ayaa soo hadal-qaadey Shirkii Carte oo kamid ahaa kulamadii loo qabtay yagleelida qaranka Soomaaliya kadib burburkii 1991-dii.

Mataaneynta Garowe iyo Jabuuti ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo ay iska kaashanayaan labada magaalo dhanka horumarinta iyo bilicda, waxaana mashruucaan uu Axmed ku riixay socdaal uu dhowaan ku tagay waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM