Cali Ciise oo Garowe kaga dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweyne [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dr Cali Ciise Cabdi ayaa Garowe uga dhawaaqay shalay oo axad ahayd inuu yahay musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Puntland, kana qeyb gali doono doorashada la filayo inay dhaco 9-ka January ee 2019.

Munaasabad ka dhacay Garowe, ayuu Dr Cali Ciise ku shaaciyay musharaxnimadiisa, isagoo sameeyay balan-qaadyo dhowr ah, hadii uu ku guuleysto kursiga Madaxweynaha uu fulin doono kuwaasoo ugu horeeyaan amniga iyo dhaqaalaha.

Waxa uu caddeeyay inuusan ku socon dano shaqsiyadeed, oo musharaxnimadiisu tahay mid isaga kasoo go'day, waxaana uu sheegay inuu wax ka qabn doono dhibaatooyinka kala duwan ee xilligan ka jira Puntland, ee laga dhaxlayo Xukuumadda Gaas.

Dr. Cali Ciise Cabdi, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu kasoo shaqeeyay hay'addo maaliyadeed, oo uu ku jiro bangiga dhexe ee Soomaaliya, isagoo kamid ahaa xubnihii Gollaha Dhaqaalaha Qaranka, ee uu Farmaajo magacaabey August, 2018.

Musharaxa ayaa kasoo jeeda gobolka Sool, gaar ahaan degaanada Xayeesimo waxaana uu waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatey Sool, Sanaag iyo Sheekh, isagoo waxbarashada heerka sare ku dhameystay Jaamacado ku yaalla dalka Mareykanka.

Dr Cali Ciise Cabdi ayaa ka yimid dhinaca Muqdisho, isagoo halkaasi mudooyinkii dambe ka shaqeynayay, maadaama uu kamid yahay Gollaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu Madaxweyne Farmaajo magacaabey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM