Camey iyo musharaxiin diidey xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka ka kooban yahay

Image

GAROWE - Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa shir uga socdaa kaasi oo ay kaga soo horjeedaan gudiga xalinta khilaafaadka Barlamaanka ee Madaxwaynuhu maanta magacaabay.

Waxaa ay noqonaysa markii ugu horaysay oo taariikhda Puntland Madaxwayne ku xigeen ka soo horjeesto Gudiga xalinta khilaafaadka Barlamaanka oo madaxwaynaha xilka haya uu soo magacaabayey tan iyo sanadkii 2004.

Waxaa kale oo ugub ah oo aan horay loo arag doorashooyinkii hore ee Puntland Madaxwayne ku xigeen xil-haya oo la midoobay Musharaxiinta mucaraadka ka ah kuwasoo doonaya inuu isbadal dhaco.

Magaalada Garowe ayaa waxaa maanta ka dhoofey musharax Maxamuud Khaliif “Jabiye” isagoo horey musharaxiinta kale kulan ula qaatey..

Dhinaca kale waxaa magaalo madaxda Puntland ka maqan musharax Farax Cali Shire iyo Cabdi Farax Siciid Juha. 

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey kulankaan goob joog ma uusan aheyn musharax Siciid Cabdulahi Dani oo isagu maanta soo galley xarunta looga arimiyo maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka iyo musharaxiinta kulmay ayaa la filayaa iney goor dambe caawa soo saaraan Guddi kale sida laga heley xubno ku dhow.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM