Ciidamada daraawiishta Puntland dib u qabsaday Af Urur

Image

GAROWE, Puntland – Xoogaga dowlada Puntland ayaa maanta oo Talaado ah dib u qabsaday tuulada Af Urur ee gobolka Bari, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen mas'uuliyiinta.

Tani ayaa ka dambeysay markii ay faarujiyeen tuuladaasi dagaalameyaasha Al-Shabaab oo gacanta degaanka hantay isbuucii hore markii ay 30-kii May ka baxeen ciidanka Puntland.

Taliska Ciidanka Daraawisihta Puntland ayaa tibaaxay in aysan jirin wax iska hor-imaad ah oo ay la kulmeen ciidamada oo aad u hubeysnaa isla markaana watay gaadiidka dagaalka.

Ciidanka ayaa dib ula wareegay saldhiga weyn ee Af Urur iyo dhufeesyadii kale ee ay ku lahaayeen degaanka halkaasi oo ay ka qaadi jireen gulufka dalka looga xoreynayo "argagixisadda".

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida aysan wax saanad ah ka qaadan saldhiga oo ay ciidamada Puntland ka baxeen isaga oo maran aysana waxba yaalin.

Tuulada Af Urur oo 60 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aaday magaaladda dekada ah ee Boosaaso ah ayaa waxay muhiim u tahay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee gobolka ka socda.

Kooxahaan ayaa degaanada Puntland ku xoogeystay mudadii ay jirtay xukuumadii ka horeysay tan haatan jirtay oo balanqaadey in ay xididaha u siibi doonto maleyshiyaadkani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM