Ciidamada Puntland oo Howlgal magac cusub loo bixiyay ka billaaabey Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Ciidamada amniga dowladda Puntland ayaa maanta howlgal loogu magac-daray “Caa’isha maxaay galabsatay” ka billaabey gudaha magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada oo isagu jira boolis iyo Daraawiish ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo taliye ku xigeenka booliska Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow).

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka yimid degaanka Bixin ee gobolka Sool ayaa saaka soo gaarey waqooyiga Gaalkacyo, hlkaaasi oo maalmo kahor uu ka dhacay fal kufsi iyo dil ah, oo loo geystay Gabar 12 jir ahayd, oo lagu magacaabi jiray Caa'isha Ilyaad Aadan.

Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen, Taliyaha Daraawiishta Puntland

Ujeedka ciidamada loo geeyay magaaladda ayaa ah inay wax ka qabtaan falalka amni darro ee kusoo kordhay halkaasi, iyadoo wali lagu raad-joogo raggii kufsiga iyo dilka u geystay Caa'isha Ilyaas.

Dibadbaxyo labo maalmood socday ayaa ka dhacay Gaalkacyo, kuwaasoo looga soo horjeeday Kufsiga kusoo kordhaya magaaladda, islamarkaana dowladda Puntland looga dalbaday inay cadaaladda soo taagto kuwa falalkan ku kacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM