Ciidamada Puntland oo iska caabiyey weerar ay soo qaadey Somaliland

Image

GAROWE, Puntland - Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa shaaciyey in cutubyo kamida xoogaga dowladda ay iska caabiyeen weerar arbushaad ah oo ka yimid Somaliland.

Duulaanka oo lagu beegsaday kolanyo galbineysay Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa galabnimadii Talaadda ka dhacay duleedka tuulada Damalla Xagarre ee gobolka Sanaag.

Saraakiisha oo tibaaxay in iska hor-imaadka uu muddo socday ayaa sheegay in ciidamada Hargeysa ee gulufka soo qaaday lagu celiyey degmada Yubbe oo ay kolkii hore kasoo baxeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse lama xaqiijin illaa iyo haatan tirada saxda ah ee labada dhinac soo kala gaartay.

Wafdiga wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa si nabad-galyo ah ku tegay Damala Xagarre oo ay kusii jeedeen si ay kormeer ugu sameeyaan Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaasi oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidamada maamulka gooni isu taagga ah ee fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa xili Muuse Biixi Cabdi ka sheegay dabaaldegga 18-ka May in maamulkiisa uu doonayo deris wanaag iyo nabad kula noolaanshiyaha Puntland.

Sikastaba ha ahaatee, gobolka Sanaag ee waqoyga Soomaaliya ayaa waxaa gacan ku hayntiisa isku haya Puntland iyo Somaliland, kuwaasi oo qaybo ka kala aramiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM