Ciidamada Puntland oo Qarax lagula eegtay duleedka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Hal Askari oo katirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari, shalay gelinkii dambe.

Qaraxa oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay lala eegtay ciidamadda xilli howlgal roondo ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala, halkaasi oo Al Shabaab ku xoog badan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in Meydka Askari iyo dhaawacyada la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo Boosaaso u jirta 55-KM.

Khasaaro ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkastoo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen in dadka qaar kamid ah oo baxsad ah ay arkeen.

Kooxaha argagaxisada ayaa kusoo xoogeystay gobolka Bari mudadii shanta sano ee uu Madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas uu xafiiska joogey, kaasoo maanta xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub, Saciid Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM