Ciidamadda amniga oo fashiliyey qaraxyo lagu aasey Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Hay'addaha ammaanka dowladda Puntland ayaa fashiliyey qaraxyo la damacsanaa in laga fuliyo qaybo kamid ah magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa howlgal aan khasaaro dhalin kusoo saarey Miinooyinka.

Qaraxyadda ayaa lagu waramayaa in laga soo kala saarey nawaaxiga xarunta shirkadda isgaarsiinta Golis iyo huteelka Jubba.

Saraakiisha oo sheegay in shaqsiyaad loosoo qabtay qaraxyaddan ayaa xusay in ay u soo bandhigayaan saxaafadda.

"Cadowga Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa barahaas ku aasey dhagartaas," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Maalmihii lasoo dhaafay xarunta ganacsiga Puntland waxaa ka socday howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Deni, amniga Boosaaso ayaa kasoo hagaagayey sidii hore, waxaana sababta lagu sheegay in la siiyey ahmiyadda koowaad sidii loo sugi lahaa.

Boosaaso ayaa lagu wadaa in 2020 ay martigeliso Carwo Ganacsi oo lagu soo bandhigi doono fursadaha maalgelinta u baahan ee gudaha, waxayna daba socotaa Shirkii Maalgashiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM