Puntland oo amartay in la xiro Masaajida iyo dugsiyada Qur'aanka

Image

GAROWE, Puntland – Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay amartay in la xiro masaajida si looga hortagga faafitaanka fayruska aduunyadda gumaadka ku haya ee Corona.

Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cadaaladda Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa daboolka ka qaadey in talaabadaas ay la xiriirto amaradii dhowaan kasoo baxay Golaha Wasiirada.

"Ma ahan in dadka cibaada loo diidayo waa in aynu ka taxadarno cudurkaas gumaadka ku haya aduunyadda, waxaana rajeynaynaa in culimada ay nala qaataan," ayuu raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Cawil ayaa sidoo kale faray in "sidda ugu dhaqsiyaha badan" loo xiro dugsiyadda Qur'aanka iyo Madarasooyinka.

Dadweynaha ayuu cod dheer ku booriyey in ay joojiyaan isu-imaatinka isla markaana ay hogaan-samaan go'aanadaas iyo talooyinka caafimaad.

Puntland ayaa mar sii horeysay joojisay doonyaha kalluumeysiga ee kaga imaan jiray dibadda, waxaana lagu amray doonyaha haatan jooga in ay ku baxaan muddo 24-saac gudaheeda ah.

Marka ay timaado ka hortagga COVID—19, dunida ayaa ka siman hakinta duulimaadyadda caalamka, xiritaanka Masaajida, joojinta kulamada dadweynaha iyo wacyi-gelinta nadaafadda.

Dhamaan talaabooyinkaas ayaa lagu sheegay kuwa laga maarmaanka u ah la dagaalanka caabuqaas illaa iyo haatan aduunyadda ku galaaftay in ka badan 12-kun oo ruux kuna dhacay 150-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM