Daacish iyo Al-Shabaab oo dagaal qaraar ku dhexmaray gobolka Bari

Image

BOOSAASO, Puntland - Dagaal culus, oo u dhaxeeya kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa markale ka dhacay gobolka Bari, kaasoo ay kasoo baxayaan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ka qarxay saaka oo Jimco ahayd tuuladda Afgaraar, oo qiyaastii 80-KM dhanka Bari uga beegan magaaladda Boosaaso.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday dagaalka hubka culus iyo midka fudud, iyadoo dhawaqay gantaallada garbaha laga gano iyo qaraxyo laga maqlayay nawaaxiga Tuuladda.

Isgaarsiinta ayaa laga jaray Tuuladda Afgaraar intii uu dagaalka socday, waxaana lagu soo waramayaa in khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhawac uu labada dhinac kasoo gaartay colaadda.

Waa markii 3aad oo Al-Shabaab iyo Daacish ku dagaallamaan dhulka buuralleyda ah ee dhinaca bari ka xiga magaalada Boosaaso, gaar ahaan nawaaxiga degaanka Dhaadaar sanadkan, halkaasi oo ay labada kooxood ku xoog badan yihiin.

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalladda u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dhacay duleedka Boosaaso, balse Madaxweyne Deni ayaa doorashadiisii kadib balan qaadey in kooxaha argagaxida laga sifeynayo guud ahaan gobolka.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya qaadista lacagaha baada ah ee ay kusoo rogeen ganacsiga Boosaaso, iyadoo sidoo kale khal-khal ku haya amniga Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM