Dabley mas'uul dowladeed ku dhex-dishay huteel ku yaala Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Madaxii Kastamadda Wasaaradda Puntland qeybteeda Gaalkacyo ayaa fiidnimadii Jimcadda, 18-ka October 2019, lagu dhex-toogtay huteel ku yaala Gaalkacyo.

Goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu waramay Garowe Online ayaa waxay daboolka ka qaadeen in mas'uulka ay khaarijiyeen kooxo ku hubeysan Bastooladdo oo aan wali la aqoonsan heybtooda.

Marxuumka, Xasan Cabdulle Hiraab oo geeridiisa la xaqiijiyey, ayaa waxaa la sheegayaa in uu deganaa huteelka Garsoor oo ku yaala xaafadda Raxmo ee ka tirsan waqoyga magaaladaas.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, oo si lamid ah laamaha ammaanka gobolkan iyo kan degmadda aysan wali kasoo saarin war rasmi ah.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda, Al-Shabaab, ayaa aalaaba looga bartay falal liddiga ku ah nabad-gelyadda ee ka dhaca xarunta gobolka Mudug.

Xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa balanqaadey in ay xididaha u siibi doonto argagixisadda ayna sugi doonto amniga magaalooyinka Puntland.

Gaalkacyo waa magaalo istaraatiiji ah ayna kawada arimiyaan maamul goboleedyadda Puntland iyo Galmudug oo ah dowladdo xubno ka ah federaalka ka jira Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM