Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Daacish oo dib uga qarxay Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka oo Isniin ahayd ku dhex-maray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish degaanka Ceelka Miraale oo 70 KM dhanka bari uga beegan magaalada Boosaaso.

Dadka degaanka oo kusoo waramaya inay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa soo wariyay in is-rasaaseynta ay socotay saacado, ayna maqlayeen daryenka hub waawayn.

Lama ogga hadii uu jiro khasaaro dhimasho ama dhaawac oo kasoo kala gaarey labada dhinac iska hor-imaadkaan.

Midkoodna labada koox wali wax war ah kama uusan soo saaran illaa iyo haatan dagaalkaan culus ee dhex-maray.

Bishii December ee sanadkii hore 2018-kii ayay ahayd markii xoogagaan argagaxisada ah ay ku dirireen qaybo kamid ah buuraleyda gobolka Bari, halkaasi oo ay isaga dileen tobaneeyo dagaalamayaal ah.

Dagaalkaan oo noqonaya midkii 1aad sanadkaan 2019 ayaa kusoo aadaya iyada oo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu xaflada caleema saarkiisa ka sheegay inuu ka shaqaynayo sidii uu uciribtiri lahaa kooxahaan.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa degaanada PL ku xoogeystay mudadii uu jiray maamulka Cabdiwali Gaas, kaasi oo ku fashilmay wax ka qabashada arrimo a kamid yihiin amniga iyo musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM